Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Inta badan goobaha lagu ibiya shidaalka gudaha magaalada Kismaayo ayaa waxaa kakaca dab sababa khasaare kalae duwan mid hantiyadeed iyo mid nafeed iyadoona dabka ka kaca kaalmaha shidaalka u inta badan uusan ku ekaan halka u kakacay isagoona u gudba dhismayaasha ka agdhow halka u dabka kakacay waxaana inta badan sabab u ah in kaalmaha shidaalka qaarkood ay ku yaalan gooba maqaayada ah oo uu dabka ka agdhowyahay, taas oo si fudud dab uga Kaci karo hadi qalad u halkaas ka dhaca.
Mowliid Abdi Kulmiye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.