Afhayeenka salaadiinta Jubbaland oo ku baaqay in loo gurmado dadka ay Fatahaaduhu saameeyeen

0
137

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Tan iyo markii ay roobabka deyrta ee daadaadka wata ay ka curteen dalka gaar ahaan deegaanada dowlad goboledka Jubbaland ayaa waxaa isa soo tarayay baaqyada kala duwan ee ku aadan in loo gurmado dadka ay roobabka saamaaynta ku yeesheen oo intooda badan guryahoodi ka barakacay .

Afhayeenka Salaadiinta Jubbaland Ugaas Cumar Xiireey oo hadal ka jeediyay Madal looga arinsanayay sidii loo garab istaagi lahaa dadka ay roobabku saameeyeen ee ku nool deegaanada Jubbaland ayaa sheegay in muhiim ay tahay in Hay’addaha dowlad kuwa Sama falka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ay u istaagaan sidii loo caawin lahaa dadka ay daadadka iyo fataahada is biirsaday saameeyeen ee u baahan in la garab istaago.
Xamdi Maxamed Yaasiin ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here