Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Garoonka kubadda Cagta Waamo ee Magaalada kismaayo ayaa waxaa sihabsami leh uga socda semi-finalka tartanka ciyaaraha iskuullada Degmada Kismayo iyo Deegaanada hoos yimaada kaas oo kulanki ugu danbeyay u saxmaray iskuulka tayo iyo iskuulka badar labada xul ayana ciyarta waqtigi loogu tala galay ku dhamatay barbaro golal la-an ah waxaana labada xul ay isla aden Gool kulaad,waxaana guusha ay raacday ciyaartoyda xulka iskuulka tayo.
Mowliid Abdi Kulmiye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.