Adeegyo cusub oo lagu soo kordhiyay Garoonka Magaalada Kismaayo.

0
479

Kismaayo(waamo Radio)Garoonka diyaaradaha ee magaalada kismaayo oo marba marka ka danbeeyso ku talaabsanayay  hormaro kalduwan ayaa lagu soo kurdhiyay qalab cari ah oo lagu sugayo amniga guud ee garoonka diyaaradaha iyo qalabka kale oo lagu xaqiijinayo saxnaashaha basaaboorada ay dadku ku safarayaan.

garoonka diyaaradaha xilli aan booqaday  wax uu ahaa  mid aad u mashquul ah  waxaana garoonka soo caga dhigtay qaar kamid ah diyaaradaha qaada rakaabka dadkii saran diyaaradaha soo caga dhigtay garoonka oo iga waramaya isbadalka cusub ee lagu soo kordhiyay iyo sida ay u arkaan ayaa sheegay in ay soo dhaweeyanayaan waxbadan ay garoonka  maanta uu ugu duwanyahay maalmihii hore

Cabdullaahi aadan maxamuud jagadoon maareeyaha garoonka diyaardaha magaalada kismaayo ayaa ka warbixiyay adeegyadaan ay ku soo ku dhiyeen garoonka iyo waxtarka uu bulshadda uleeyahay

Isgoona sheegay in qalabkani loogu talagalay ilaalinta amniga iyo keeydinta macluumaadka  dadka ka soo dagaya iyo kuwa ka dhuufaya garoonka.

waxaa warbixintaan inoo soo jeedineysa Foos cali Cabdiraxmaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here