Adama Traoré oo gaaray Spain si uu u dhammaystiro ku biiristiisa Barcelona

0
187

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Suxufiga dhanka suuqa kala iibsiga lagu qaddariyo ee Fabrizio Romano ayaa shaaca ka qaaday, in Adama Traoré uu ku laabtay Spain maanta oo jimco ah, si uu u dhamaystiro ku biiristiisa Barcelona, inta lagu jiro suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee jiilaalka.

Fabrizio Romano ayaa ku sheegay boggiisa rasmiga ah baraha bulshada ee Twitter-ka:

“Adama Traoré waxa uu ku laabtay Spain, si uu u maro tijaabada caafimaadka, isla markaana uu heshiis amaah ah ugu saxeexo Barcelona, iyadoo uu jiro dooq ah in si toos loogaga iibsan karo 30 million euros kooxda Wolverhampton.”

Suxufiga dhanka suuqa kala iibsiga lagu qaddariyo ee Fabrizio Romano ayaa wuxuu hadalkiisa intaas ku daray:

“Adama Traoré iyo Barcelona waxay gaareen heshiis horudhac oo 5 sano ah, haddii kooxda reer Catalonia ay go’aansato inay si joogto ah ula saxiixato bisha June ee soo socota.”

Adama Traoré oo 26 jir ah, ayaa 11 kulan si joogta ah ugu ciyaaray Wolverhampton, 20 kulan uu ka qayb qaatay xilli ciyaareedkan horyaalka Premier League.

Traoré wuxuu ku soo koray Barcelona, kahor inta uusan u dhaqaaqin Aston Villa sanadkii 2015, wuxuuna ku sii watay safarkiisa Premier League kooxaha Middlesbrough iyo Wolverhampton.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here