Ac Milan oo Guuldaro Kala Kulantay Kooxda FC Porto

0
254

FC Porto-(Idaacadda Waamo)- Kooxda Ac Milan ayaa Guuldaro kala kulantay Kooxda FC Porto ee Dalka Portugal.

Ciyaarta ayaa ku bilaawatay Jawi Dagan oo ay labada kooxood ay difaac kujiraan Maadaama laba kooxood uu weerarkoodu ahaa mid caajis badan, qeybtii hore ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay Barbaro 0-0 ah.

qeybtii labaad ee ciyaarta kooxd FC Porto ayaa ku bilaabatay dar-dar xoogan oo ay ku dooneyso iney gaarto goolka kooxda Ac Milan Maadaama ay Kooxda Ac Milan ay ku Jirtay Difaac Xoogan.

Daqiiqadii 65-aad Kooxda FC Porto ayaa Hogaanka ciyaarta u qabatay kadib markii uu gool u dhaliyey xidiga garabka ka ciyaarta ee Luis Diaz kadib markii uu caawin ka helay Xidiga Mehdi Taremi.Image

Kooxda Ac Milan ayaa sidaasi guuldaro 1/0 ah kala kulantay kooxda Fc Porto iyaga oo sii wada Natiijooyinkii xumaa ee kooxda Ac Milan Dhanka Champions League.ImageImage

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here