Biyo yari ka jirta Magaalada Garbahaareey ee Gobolka Gedo

0
424

Garbahaareey-(Idaacadda Waamo)-Wararka ka naga soo gaadhaya degmada Garbahaarey ee Xarunta gobolka Gedo ayaa sheegaya in biyo la’aan ay soo wajahday shacabka ku nool degmadaasi, taasi oo saameysay noloshooda.

Qoysas hor leh ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay Biyo la’aan darteed ay uga barakaceen deegaanno ka tirsan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya, dhibaatadaasi ayaa timid kadib markii la sheegay in ay jabeen Ceelashii Deegaanadaasi.

Xaaladdan biyo la’aanta ah ayaa aad u taabatay deegaanada kale ee ka ag dhow degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo, mana jiro illaa iyo hadda wax gaar gaar ah ama caawimaad ah oo ay heleen dadkaasi dhibaateysan.

Guddoomiyaha degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo oo la hadlay Warbaaahinta ayaa sheegay in ay jirto xaalad adag oo dhanka nolosha ah oo soo food saartay dadka ku dhaqan degmada Garbahaarey iyo duleedkeeda, kaddib markii uu jabeen Ceelashii ku yaalay degmadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here