Maktabad loogu Magac daray Eng Yariisow oo Muqdisho laga hirgeliyey

0
312

Muqdisho(Idaacada Waamo)Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xariga kajray Maktabad cusub oo laga hirgaliyay xarunta dhallinyarada gobolka Banaadir si ay uga faa’ideystaan dhallinyarada Caasimadda waxaana Maktabadaas loogu magac daray guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ahaana duqii hore ee Magaalada Muqdisho allaha  u naxariistee Eng Cabdiraxmaan Cumar Cusaan (Yariisoow)

Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Filish ayaa xariga ka jaray qeyb cusub oo laga hirgaliyay xarunta dhallinyarada gobolka Banaadir kaas oo loogu talagalay in dhallinyarada gobolka Banadir ay ku bartaan cilmiga Computer-ka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) waxaa uu ka hadlay doorkiisa ku aadan fursadaha ay dhallinyarada mudan yihiin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here