Gaadiid lagu wareejiyay wasaaradda waxbarashada Jubbaland

0
399

Kismaayo(Idaacada Waamo)Agaasimaha xiriirka Gobalada iyo Hay’adaha Ee Wasaaradda Waxbarashada Hidaha & Tacliinta Sare ee Xukuumadda Soomaliya Cabdinuur Axmed Jaamac ayaa labo Gaadiid ah oo loogu tala galay Kormeerada Dugsiyada & ka qeyb qaadashada Horumarinta waxbarashada ku wareejiyay wasaaradda waxabarashada jubbaland.

Gaadiidkaan ayaa waxa ay qeyb ka ahaayeen 11 baabuur oo ay ku deeqay mashruuca “Iskaashiga Caalamiga ah ee Waxbarashada” (Global Partnership for Education).

Agaasimaha xiriirka Gobalada iyo Hay’adaha Ee Wasaaradda Waxbarashada Hidaha & Tacliinta Sare Mudane Abdinur Ahmed Jamac ayaa ku wareejiyay Wasaaradda Waxbarshada jubbaland Baabuurta waxana ka gudoomay Wasiir ku xigeenka ahna ku simaha Wasiirka Waxabarshadda Jubbalanad.

Agaasimaha xiriirka Gobalada iyo Hay’adaha Ee Wasaaradda Waxbarashada Abdinur sheegay in Baabuurtaan ahmiyad ay u leedahay Horumarinta waxbarashada dalka islamarkan waxa ay qeyb muhiim ah ka qaadan daba-galka iyo kormeerka waxbarshada.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda waxbarashada maamulka Jubaland Axmed Cabdirisaaq Maxamed ayaa bogaadiyay mashruuca GPE iyo sida bahda waxbarshda ay mar walba Garab taagan yihiin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here