Taliska booliska Beledweyne oo ku baaqay in la ilaaliyo bilicda Magaalada

0
293

Beledweyne-(Idaacadda Waamo)-Taliyaha Ciidanka booliska Magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan Laba Xidigle Muuse Salaad Wehliye oo ay wehlnayeen Saraakiil kale ayaa waxaa uu kormeer amni uu ku sameeyeen qaar kamid ah Xaafadaha Magaaladaas.

Kormeerka kadib taliyaha oo Warbaahinta la hadlay ayaa digiin waxaa uu u direy shaqsiyaadka leh Goobaha Baabuurta lagu dhaqo ee ku yaal kiliga dhex jibis,kaas ooay cabasho ka keeneen Bulshada qaar ee Magaalada Beledweyne.

Taliye Laba Xidigle Muuse Salaad Wehliye waxaa uu faray Milkiilayaasha Goobaha Baabuurta lagu dhaqo Gawaarida inay ilaaliyaan nidaamka iyo Bilicda Magaalada,isla markaana aan laga aqbali karin inay ku Ciyaaraan.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay Taliyaha in sidoo kale dhamaan dadka wabiga iyo goobaha kale biyo fariisanka ah qashinka ku shubo in ay talaabo ka qaadi doonaan laamaha ammaanka degmada Beledweyne,

Qaar kamid ah Bulshada Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay horay Taliska Booliska ugu gudbiyeen cabasho ka dhan ah Goobaha lago dhaqo Gawaarida taas oo ku aadan in dhibaato ku yihiin Bilicda kana qeyb qaadanayaan nadaafad darrada ka jirta Magaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here