Dowlada Soomaaliya oo sheegtay in horumarka laga gaaray dalxiiska

0
304

Muqdisho-(Idaacadda Waamo)-Xaflad abaalmarino lagu guddoonsiinayo dadkii ka soo shaqeeyay munaasabad loogu magac daray abaalmarinta safarka iyo dalxiiska ayaa xalay lagu qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska, taasi oo ay ka qeyb galeen Wasiiro, Xildhibaanno ka tirsan labada Gole ee Dowladda, mas’uuliyiin kale, qeybaha bulshada iyo marti sharaf munaasabadda lagu casuumay.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta mudane Aadan Isaaq Cali ayaa sheegay in guul taariikhi ah ay in leygskugu yimaado xaflad lagu dhiirigelinayo arrimaha dalxiiska,isagoo hay’adaha ka shaqeeya ku dhiirigeliyay in ay sii wadaan Wasaaraduna ay garab taagantahay.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo munaasabadda ka hadlay ayaa boggaadiyay horumarka laga gaaray dhanka dalxiiska waxaa uuna sheegay in Soomaaliya ay kamid tahay meelaha ugu hawada fiican ee loo dalxiis tago, ayna leedahay magaalooyin qurux badan oo ku habboon dalxiiska.

Wasiir Maareeye ayaa sheegay in Munaasabadaan ay noqon doonto mid sannad walba ay wasaaradu qabato.

Gaba-gebadii munaasabadda waxaa tikityo safarro dalxiis ah oo gobolada dalka ah la gudoonsiiyay qaar kamid ah dadkii ka soo qeybgalay xafladda, iyadoo shahaadooyin la gudoonsiiyay qaar kamid ah shirkadaha ka shaqeeya arrimaha dalxiiska iyo goobaha loo dalxiis tago Caasimadda dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here