Xubno ka tirsan Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo gaaray Jowhar

0
397

Jowhar-(Idaacadda Waamo)- Xubno ka tirsan guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta gaaray magaalada jowhar ee caasimadda Dowlad gobaleedka Hirshabeelle.

Xubnaha guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ee maanta gaaray Jowhar ayaa waxaa hoggaaminayay Khadiijo Cosoble oo ka mid ah xubnaha sare ee guddiga,waxaana si diiran loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha magaaladaas.

Khadiijo Cosoble oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in ujeeda ay u soo gaareen magaalada Jowhar ee caasimadda Dowlad goboleedka Hirshabeelle tahay sidii ay xog-wareysi dhanka hannaanka doorashada ay ula yeelan lahaayeen Bulshada qeyabheeda kala duwan ee deegaanada Hirshabeelle.

Sidoo kale, Mudada Guddiga Madaxa bannaan Doorashooyinka Qaranka ay ku sugan yihiin magaalada Jowhar ayaa waxay kulamo la yeelan doonaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here