Sannad guuradii 50-aad oo kasoo wareegtay aas-aaskii Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed

0
365

Muqdisho-(Idaacadda Waamo)-Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed waxa uu ka mid yahay Ciidamada Dalka, waxa uuna si gooni ah ugu xilsaaran yahay Ilaalinta Xabsiyada Dalka,waxaana la aas-aasay 22-kii Febraayo sanadkii 1970-kii, iyadoo tan iyo xilligaasi uu si hufan u gutay waajibaadkiisa marka laga reebo dhowr iyo 20-kii sano ee uu dalku bur-bursanaa.

Waxaa socda hadda qabanqaabada munaasabadda lagu xusayo sanad-guurada ka soo wareegtay aas-aaska Ciidankaasi.

Mas’uuliyiinta dowladda qaarkood ayaa lagu waddaa in ay ka qeyb galaan oo Khudbad ka jeedinayaan xuska maalinta Ciidanka Asluubta.

Waxaa uu sidoo kale lagu waddaa in ay ka qeyb galaan Taliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Milatariga Soomaaliya.

Wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho, ayaa maanta xiran, waxaana ku sugan ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo gaadiidka dagaalka ku jaray wadooyinka.

Wadooyinka xiran waxaa ka mid ah Wadada Makka Al-Mukarrama, sidoo kale waxa ay xireen Ciidanka Agagaarka Xarunta Ciidanka Asluubta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here