Wasiirka ganacsiga Soomaaliya oo booqday Warshadaha ugu waaweyn Dalka Cumaan

0
343

Cumaan(Idaacada Waamo)Wasiirka ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, Inj; Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa Maanta booqasho ku tagay xarumaha Wershadaha ugu waaweyn ee Dalka Cumaan.

Mudane; Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa waxaa booqashadiisa ku wehlinayay xubno ka tirsan Wasaaradda Gacansiga , Safiirka Soomaaliya u jooga Cumaan, Cabdiweli Cali Axmed (Jaylaani) iyo xubno kale.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa ugu horreyn booqday Warshadda soo-saarta Saliidda iyo Warshadda soo-saarta sidoo kalena farsamaysa fiilooyinka xambaara Internet-ka laga isticmaalo Wadankaasi.

Wasiirka, ayaa madaxda Warshadahan kala hadlay siddii ay u maal-gashan lahaayeen Soomaaliya, waxaana uu ku dhiiri-geliyey inay faracyo warshadahan oo kale ah ka furtaan gudaha Dalka Soomaaliya.

Dhanka kale, Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, waxa uu la kulmay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka ee Saldanada Cummaan Md; Axmed Bin Maxamed Al-Futaisi ahna guddoomiyaha shirkadda ASYAD oo ah shirkad maamusha Dekadaha iyo goobaha ganacsiga xorta ah.

Labada Wasiir, ayaa waxay ka wada hadleen siddii ay iskaga kaashan lahaayeen ganacsiga Gaadiidka iyo sidii loo heli lahaa duulimaad toos ah oo isku xira Oman iyo Soomaaliya.

Waxay sidoo kale isla soo qaadeen siddii looga faa’ideysan lahaa marin Biyoodka isku xira Badweynta Hindiya iyo Badda cas oo uu maro ganacsiga ugu badan ee isaga goosha Qaaradaha Afrika, Aasiya iyo Yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here