Messi Oo Cadeeyey Kooxaha uu u Saadaalinayo Hanashada Champions League Xilli Ciyaareedkan

0
750

Kismaayo(Idaacada Waamo) Lionel Messi ayaa Magacaabay afarta Kooxood ee ugu Xoogan Champions League Xilli Ciyaareedkan ee Kooxdiisa Barcelona Kula tartami Doonaan Hanashada Champions League Xilli Ciyaareedkan.Image result for lionel messi 2020

Kooxda Barcelona ayaa Lugta Hore ee Wareega 16ka Waxay Marti u Tahay oo ay Booqan Doontaa Kooxda Reer Italia ee Napoli isbuuca Soo Socda iyagoo Doonaya inay Ku Guuleystaan Champions League Markii ugu Horeysay Tan iyo 2015.

Barcelona ayaa Si Xun Looga Reebay Champions League Labadii Sano ee ugu Danbeysay, iyagoo Guuldarro Soo Laabasho Kasoo Gaartay Kooxda Liverpool Semi-Finalkii Xilli Ciyaareedkii Hore Halka Kooxda Reer Italia ee Roma ay Sidaas oo Kale u Gashay Wareegii Sideed Dhamaadka ee 2018.

Xiddiga Reer Argentina ee Lionel Messi ayaa Si Weyn u Doonaya inuu Jabkaas Kasoo Kabsado oo uu Hanto Koobkiisii Shanaad ee Champions League, Laakiin Waxa uu aaminsan yahay inay Jiraan afar Kooxood oo Barcelona Ka Horjoogsan Kara Hanashada Champions League. “Dhamaan Kooxaha Waa Kuwa adag” ayuu Messi Ku Sheegay Wareysi uu Siiyay Mundo Deportivo.

“PSG Waxay La Ciyaartay B Dortmund Waana Laga Soo Badiyay, Liverpool Waxay Lasoo Ciyaartay Kooxda Atletico M Isla Garoonkeeda  Guuldaro ayeyna Kala Soo Laabatay , Laakiin Waxaan aaminsanahay in Liverpool, Juventus, Paris iyo Madrid ay yihiin Kuwa ugu Xoogan Maanta.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here