Degmada warta nabadda ee G/Banaadir oo howlgal waddo furis ah laga sameeyay

0
358

Muqdisho-(Idaacadda Waamo)-Masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta kormeeray xaafado ka tirsan degmada Warta-nabadda ee gobolka Banaadir taas oo laga sameenayay ololo nadaafadeed iyo burburin dhismayaal sharci darro ah.

Gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir Maxamed C/llaahi Tuulax guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada gobolka Basmo Caamir Shakeeti iyo gddoomiyaha degmada Warta-nabadda ayaa si wadajir ah u sheegay in aan la aqbali doonin dhismo kasta oo sharci darro ah sida ay hadalka u dhigeen amniga iyo nafaadana ay wax u dhimayaan dhismooyinkas.

Howlgalka Burburinta ah ayaa ka dhacay xaafadda Xamar-bile ee degmada Warta-nabadda,iyada oo masuuliyiintaan ay sheegeen in lagu guuleystay in la baneeyo jidadka qaar ee xaafadahaas oo guryo laga dhisay.

Dhinaca kalana guddoomiye ku-xigeenka siyaasadda iyo amniga gobolka Banaadir oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in sidaan oo kale loo burburinayo dhismayaasha aan sharciga aheyn,kuwaas oo waxyeelanaya amniga iyo nadaafadda sida uu hadalka u dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here