Wasiir Arimaha Dibada oo la kulmay Xog-hayaha cusub ee IGAD

0
410

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ee Xukuumadda Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa Muqdisho kula kulmay Xoghayaha fulinta ee cusub ee Urur goboleedka IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu, oo socdaallo ku kala tagay wadamada gobolka tan iyo markii loo magacaabay xilkani 22 Oktoobar, 2019.

Soomaaliya, oo ah Dowlad xubin ah, waxna ka aas’aastay IGAD, ayaa waxa ay dooneysaa inay xoojiso xiriirkeeda iyo iskaashiga ay la leedahay wadamada Bariga Afrika si loo gaaro kobac dhaqaale iyo is-dhexgal gobolka ah,sida lagu sheegay War-Saxaafaadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Kulanka Wasiir Cawad iyo Xoghayaha fulinta Urur goboleedka IGAD waxaa ka qeybgalay lataliyeyaal sare oo ka kala tirsan Xafiisyada Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) & Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo saraakiil kale oo ka tirsan xafiisyadaasi.

Xoghayaha fulinta ee cusub ee Urur goboleedka IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu ayaa horay ula kumay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre,waxaana la filayaa in maalmaha soo socda uu la kulmo Madax kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here