Puntland oo si KMG ah u hakisay Shirkadaha ka shaqeeya Arrimaha Xajka & Cumrada

0
357

Garawe(Idaacadda Waamo)Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqay in si KMG ah loo hakiyey Shaqada Shirkadaha ka shaqeeya Arrimaha Xajka iyo Cumrada ee ku sugan degaannada Maamulkaas.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Dastuurka & Dhaqan-celinta Puntland Cawil Sheekh Xaamud ayaa lagu hakiyey Shaqada Shirkadaha ka shaqeeya Arrimaha Xajka iyo Cumrada ilaa iyo inta laga hubinaayo habsami u socodka howsha ay hayaan Shirkadahaas.

Sidoo kale Qoraalka Wasiirka ayaa waxaa lagu sheegay in lagu amrayo Shirkadaha ka shaqeeya Arrimaha Xajka iyo Cumrada in muddo Todobaad gudihiis ah ay isku soo diiwaan geliyaan si loo hubiyo habsami-u-socodka Shaqadooda,isla markaana cidii fulin weysa amarkaas tallaabo laga qaadi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here