Afar Gabdhood Oo Mataano ah Halmarna Wada Guursanaya

0
366

New Delhi(Idaacadda Waamo)Afarta gabdhood ee walaalaha ah, oo kasoo jeeda gobolka Kerala ee koonfurta Hindiya, waxay hooyadood dhashay hal maalin, noloshooda oo dhanna waxay kusoo qaateen qaab isku mid ah iyagoo hal nooc oo raashin ah cunaya, hal nooc oo dhar ahna wada xiranaya iyo xitaa iyagoo hal kursi uga fariisanayay fasalka iskuulka, ilaa inta ay ka gaarayeen 15 sano.

Hadda dhammaan gabdhahan walaalaha ah waxay aqal galayaan hal maalin.

Iyagoo shan carruur ah ayey mar qura kasoo wada baxeen calooshooda(Qofka shanaad waa wiil walaalkood ah).

Maalintii ay dhalanayeen waxay soo jiiteen indhaha dadweynaha, warbaahinta oo dhan ayaana hadal heysay.

Afarta gabdhood ee walaalaha ah, oo kala ah Uthra, Uthraja, Uthara, Uthama iyo walaakood Uthrajan waxay dhasheen 18-kii bishii November ee sanadkii 1995-kii, waxayna doonayaan in ay hal mar wada aqal galaan 26-ka bisha April ee sanadka soo socda.

Arooskooda wuxuu noqon doonaa mid dhaqameed. Dhaqankoodu wuxuu dhigayaa in xubnaha qoyska ay kaala qeyb qaataan xulashada qofka nolosha kula qeybsanaya. Sidaas darteed hooyadood Rema Devi ayaa ka caawisay gabdhaheeda inay doortaan ragga guursanaya, iyagoo kasoo xulanayay website ay isticmaalaan dadka guurdoonka ah.

Aroosyada noocan oo kale ah waxaa la isku aaddiyaa dadka isku heerka aqooneed ah isku xirfaddana ah. Laakiin ma aha wax la isku khasbo, arooska iyo aroosaddana waxay ku leeyihiin fikirkooda.

Lamaaneyaashan waxay xaladdooda meherka dhacday bishii September ee sanadkii lasoo dhaafay, laakiin saddex ka mid ah afarta nin uma aysan suurtagalin in aqalgalka arooska la sameeyo, maadaama ay ka shaqeynayeen Bariga Dhexe.

Hadda shanta walaalo waxay isku dayayaan sidii ay u xaqiijin lahaayeen in arooskooda uu mid noqdo.

Gabdhahan walaalaha ah waxay hadda ka fikirayaan sidii ay u caawin lahaayeen hooyadood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here