Booliska Somaliland oo gacanta ku dhigay Nin ku eedaysan kufsi & dil

0
354

Boorama(Idaacadda Waamo)Ciidamada Booliska Somaliland ayaa la xaqiijiyey inay gacanta ku dhigeen howlgal ay sameeyeen Nin ku eedeysan in uu u geystay Gabar 15 Sano jir aheyd fal kufsi iyo dil ah,kaas oo aad looga hadal haayey deegaannada Soomaaliland.

Falkan ayaa waxaa uu ka dhacay degmada Lughaye oo ka tirsan gobolka Awdal,waxaana Booliska Soomaaliland ay sheegeen in Ninkaasi uu ahaa baxsad ayna ku raad joogeen,hayeeshee ugu dambeyn ay qabteen.

Taliyaha Booliska Somaliland Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) ayaa Warbaahinta u xaqiijiyey qabashada Ninkaasi,waxaana uu sheegay inay u gudbiyeen Saldhiga Dhexe ee Magaalada Boorama.

Maalin ka hor markii uu dhacay falka kufsiga iyo dilka ayaa ehelada Gabadha 15 jirka aheyd waxaa ay booliska ka dalbadeen inay gacanta kusoo dhigaan cadaaladana horgeeaan Ninka falkaasi ka dambeeyey, taas oo keentay in Booliska Soomaaliland howlgallo bilaabaan.

Falalka la xiriira kufsiga iyo dilka Gabdhaha yar yar ayaa sanadihii ugu dambeeyey waxa uu aad ugu soo kordhayay deegaanno badan oo Soomaaliya ah,waxaana Puntland ay dhawaan dil qisaas ah ku fuliyeen laba Rag ah oo lagu helay in falka kufsi iyo dil ah inay u geysteen Gabar 12 jir aheyd oo lagu magacaabi jiray Caaisho Ilyaas Aadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here