Corona Feyras oo rejo fiican laga qabo ka hortagiisa iyo daweyntiisa

0
350

Beijing(Idaacadda Waamo)Guo Yanhong, oo katirsan maamulka mid kamid ah Isbitaallada ku yaalla Shiinaha kana tirsan Guddiga Caafimaadka ee Qaranka Shiinaha ayaa shir jaraa’id ku sheegtay in Corona Feyras la daaweyn karo lagana hortagi karo.

Guo Yanhong ayaa sheegtay in Feyruskan marki uu billaabnayey uu hoos uga dhacay 18% taas oo u muuqata mid ka yar tiradii uu ku billowday oo aheyd 38%.

Hadalkan kasoo yeeray sarkaalkan ayaa ah mid rajo wanaagsan gelinaya dadka hadda wajahaya xanuunka islamarkaana hoos u dhigaya cabsida laga qabo faafitaanka cudurkan.

Coronavirus ayaa markii ugu horreysay lagu arkay magaalo ku taalla dalka Shiinaha oo la yiraahdo Wuhan bishii December ee 2019, iyada oo uu wixii markaas kadambeyay uu aad ugu faafay wadamada caalamka, tirada u geeriyootay ayaa ah ku dhowaad 2,000 oo ruux una badan muwaadiniinta dalka uu ka billowday ee Shiinaha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here