Facebook iyo Reuters oo ka hortagaya wararka been-abuurka ah

0
296

California(Idaacadda Waamo) – Shirkadda Facebook ayaa Arbacadii sheegtay in ay heshiis la gaartay Wakaaladda Wararka ee Reuters, si ay isaga kaashadaan xaqiijinta wararka iyo sawirrada lagu baahiyo Facebook-ga.

Facebook ayaa wajaheysa cadaadis uga imaanaya Dowlada Mareykanka kaas oo ku aaddan hannaanka doorashada madaxtinimo ee dalkaas, iyadoo bishii December 2019-kii soo saartay barnaamij tijaabo ah si ay si dhaqso leh uga hortagto wararka been-abuurka ah.

Tallaabadan ayaa timid kaddib markii wakaaladaha sir-doonka Mareykanka ay Facebook ku eedeeyeen in sarkaaiisha Ruushka ay saameyn ku yeesheen doorashada madaxtinimo ee Mareykanka 2016-kii iyagoo ololahaasi uga faa’iideystay Facebook, inkasta oo Moscow ay beenisay warkaas.

Heshiiskan hordhaca ah ayaa ah mid ay ku sameynayaan 2-da dhinac barnaamij iskii u shaqeynaya kaas oo hubinaya xaqiiqada wararka iyo sawirrada lagu baahinayo Facebook-ga isagoo toos ugu xiran Wakaaladda wararka ee Reuters, adeeggaas ayaa ah mid ku shaqeynaya luuqadaha English-ka iyo Spanish-ka.

Facebook ayaa sidoo kale wadda heshiisyo kale oo ku aaddan hubinta xaqiiqada kuwaas oo ay lagaleyso toddobo wakalaadood oo kale oo ay kamidyihiin Associated Press (AP) iyo Agency France-Press (AFP).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here