Dad ugu geeriyooday shuban biyood magaalada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

0
487

Jalalaqsi(Idaacadda Waamo)Labaatan ruux ayaa ugu geeriyootay cudurka shuban biyoodka deegaano ka tirsan degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Dadka u dhintey cudurka shuban biyoodka ayaa waxaa ay badankood ahaayeen carruur iyo dad da’ ah sida uu saxaafada u sheegay mid kamid ah shaqaalaha caafimaadka oo ku sugan degmada Jalalaqsi.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan ayaa lagu wadaa inay gaaraan degmada Jalalaqsi halkaa oo ay weli inkabadan boqol ruux ay u jiifaan goobaha caafimaadka cudurka shuban biyoodka.

Cudurka shuban biyoodka ayaa ka dilaacay deegaano kamid ah gobolka Hiiraan iyo gobolka Sh/dhexe oo ay saameeyeen fatahaadaha wabiga Shabelle.

Bishii aynu ka soo gudubnay ayaa dad badan waxa ay ugu dhinteen cudurka shuban biyoodka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here