Dowladda FS Soomaaliya iyo Urur Goboleedka IGAD oo magaalada Muqdisho kulan wada-tashi ah ku yeeshay

0
327

Muqdiaho(Idaacadda Waamo)) Dowladda Soomaaliya iyo Urur Goboleedka IGAD ayaa magaalada Muqdisho kuyeeshay kulan wada-tashi ah oo ku saabsan hannaanka Ilaalinta nabad galyada iyo wada shaqeynta heer Gobol ee dowladaha kulaala Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Kulankan wada tashiga ah oo ay guddoomiyeen u qeybsanaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee Arrimaha Isbahaysiga Badda Cas iyo Gacanka Cadan Mudane Balal Maxamed Cismaan, Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub Amb. Cali Siciid Fiqi iyo Ergeyga Gaarka ah ee Urur Goboleedka IGAD Mudane Mohamed Ali Guyo ayaa daba-socda qodobbadii ka soo baxay shirkii 46-aad ee Wasiirrada Arrimaha Dibadda dalalka IGAD ay ku yeesheen magaalada Jabuuti 27-kii bishii Febaraayo ee sanadkii 2019-kii.

U qeybsanaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee Arrimaha Isbahaysiga Badda Cas iyo Gacanka Cadan Mudane Balal Maxamed Cismaan ayaa sheegay in Soomaaliya ay noqoneyso dalkii 4aad ee dalalka IGAD ah ee lagu qabanayo wadatashigan, iyadoo khubarada Soomaaliyeed ay so bandhigayaan qiimeyntooda ku saabsan mustaqbalka dhow iyo kan fog ee arrimaha Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, fursadaha ku jira iyo caqabadaha ku xeeran.

Danjire Balal ayaa tilmaamay in dadaallada iyo wada tashiyada heer IGAD ay xoojinayaan Isbahaysiga Riyad ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed oo ay ku mideysan yihiin dalalka Soomaaliya, Sucuudiga, Urdun, Masar, Jabuuti, Ereteria, Yamen iyo Suudaan, maadaama afar ka mid ah dalalka Isbahaysigan ay ka tirsan yihiin Ururka IGAD.

Dhankiisa, Maxamed Cali Guyo oo ah Ergeyga gaarka ah ee Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan arrimaha Badda Cas iyo Gacanka Cadan ayaa sheegay in Soomaaliya ay kaalin weyn ku leedahay qorshe kasta oo heer Gobol ah oo ku saabsan amniga iyo xasilloonida marin badeedyada, maadaama ay leedahay mid ka mid ah xeebaha ugu dheer Gobolka.
Soomaaliya ayaa kaalin muhiim ah ka qaadaneysa Isbadala siyaasadeed iyo dhaqan dhaqaale ee heer gobol iyo heer Qaaradeed, taasoo muujineysa dib u soo kabashada dowladnimada dalkeenna.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here