Xuska Maalinta Ciidanka Cirka oo Muqdisho lagu qabtay

0
444

Muqdisho(Idaacada Waamo)Munaasabadan lagu weyneynayay 60 sano guuradii ka soo wareegtay aas aaska ciidanka cirka ee xooga dalka oo ay soo qaban qaabiyeen Taliska ciidanka laguna qabtay Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, saraakiisha ciidanka qalabka sida iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay xuska.

Intii ay munaasabadda socotay xubnihii goobta ka hadlay waxa ay qireen doorka ciidanka cirka.

Taliye ku-xigeenka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Maxamed Cali Bariise oo munaasabadda ka hadlay ayaa ugu horeyn hambalyo u diray ciidanka cirka meelkasta oo ay joogaan, waxaana uu xusay in loo baahanyahay in la tayeeyo ciidanka cirka.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray in Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ay xoogga saarayaan dhismaha Ciidanka Cirka balse saraakiisha ciidanka cirka looga baahanyahay inay u istaagaan dhismaha Ciidanka Cirka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

15kii February 1960kii ayay ahayd markii la aas aasay ciidanka cirka ee xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana sanad kasta xiligan oo kale gudaha dalka lagu qabtaa munaasabad lagu weyneynayo ciidanka cirka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here