Dooxada Ooda-Gooye oo maalintii labaad gubaneysa

0
363

Laascaanood(Idaacada Waamo)Sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool dab xooggan ayaa maalintii labaad ka socda dooxada Ooda-Gooye ee duleedka Laascaanood.

Dabka oo bilowday Shalay ayaa wali aysan ku guuleysan Mas’uuliyiinta gobolka Sool ee Somaliland in ay damiyaan, maadaama dabka uu yahay Mid xooggan oo qabsaday dhul daaqsimeed Ballaaran.

Dabka oo aan weli la xaqiijin waxa dhaliyay ayaa shalay ka kacay dooxadaasi dhul daaqsimeedka ku wanaagsan oo kamid ah dooxooyinka waaweyn ee gobolka Sool.

Dadka ku sugan magaalada Laascaanood ayaa soo sheegaya in dabka halkaasi ka kacay uu si xawliya ku socdo islamarkaana ay adagtahay in la demiyo maadaama uu jihooyin kala duwan ku faafay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here