Xuska maalinta caalamiga ah ee ka hortagga askareynta carruurta oo lagu qabtay Muqdisho

0
408

Muqdisho (Idaacadda Waamo)Munaasabadan lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee ka hortagga askareynta carruurta oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu qabtay Muqdisho, Iyadoo ay ka qeyb galeen Wasiiro, Xildhinaanno ka tirsan labada Aqal, Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Difaaca, Ururada Bulshadda Rayidka iyo mas’uuliyiin mataleysay hay’adaha caalamiga ah ee ka howlgalla dalka.

Axmed Diini oo ku hadlayay magaca Ururada Bulshadda Rayidka oo xafladda ka hadlay ayaa xusay in Wasaaradda Gaashaandhigga ay ku guuleysatay dhaqan-galinta shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah, isagoo arintaas ku bogaadiyay mas’uuliyiinta Wasaaradda.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Odowaa Yuusuf Raagge ayaa sheegay in taliska xoogga ay ka go’antahay ka hortagga askareynta carruurta, isagoo intaa ku daray in argagixada Al-Shabaab aan loogu dulqaadan doonin in carruurta ay si qasab ah ku askareeyaan, kana codsaday shacabka inay ku gacansiiyaan sidii loo soo  badbaadin lahaa carruurta sida khaldan ay u adeegsadaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Wasiirka Difaaca ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Maxamed oo ugu dambeyn xafladda ka hadlay ayaa shaaciyay in dowladdu ay ka go’antahay ka hortagga askareynta carruurta Soomaaliyeed…

Munaasabadan ayaa ku soo aadaysa xilli dhawaan ciidanka xoogga dalka ay ku guuleysteen inay soo furtaan carruur ay argagixada si qasab ah ku askareyneysay, kuwaasi oo la geeyay saldhiga booliska ee magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool, waxaana sanad walba manta oo kale 12 February oo loo asteeyay Maalinta Caalamiga ah ee ka hortagga askareynta carruurta laga xusaa dalal badan oo caalamka ka tirsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here