Duqa Muqdisho oo Casho sharaf sagootin ah u sameeyay Isimo Soomaaliyeed

0
423

Muqdisho(Idaacadda Waamo)Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xalay kulan casha sharaf sagootin ah u sameeyay Isimada Soomaaliyeed ee ka socday dowlad goboleedka Puntland iyo dowlad deegaanka Soomaalida kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa wasiirro iyo Xildhibaano katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, guddoomiye ku-xigeennada maamulka gobolka Banaadir, odoyaal dhaqameed, fannaaniin iyo qeybaha bulshada rayidka.

Qaar kamid ah isimada oo goobta ka hadlay ayaa maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda Soomaaliya uga mahadceliyay maamuuska ay u sameeyeen muddadii ay ku sugnaayeen magaalada Muqdisho.

Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo kulanka ka hadlay ayaa xusay in Muqdisho ay tahay Caasimadda ummadda Soomaaliyeed.

โ€œMagaalada Muqdisho waa magaalada ummadda Soomaaliyeed, qofkaste oo ku hadla Afka Soomaaliga ayey magaaladiisa tahay maadama ay tahay Caasimadda Jamhuuriyada federaalka Soomaaliyeed, waxaana waajib ka saranyahay qofkasta oo muwaadin Soomaaliyeed ah in uu door ka qaato xoojinta xasiloonideedaโ€ayuu yir duqa Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here