Dowlada Uganda oo Kenya ka dalbatay diyaaradaha lagula dagaalamo Ayaxa

0
307

Inta badan dadka Uganda ma xasuusan karaan xilligii ugu dambeysay ayax duullaan ah.

Markii ugu dambeysay ee dalkaas Uganda lagu arkay waxay ahayd 1960-kii.

Haddana, maamulka waxay sheegayaan in istiraatijiyad aad u fiican ay u diyaarsadeen si loo baabi’iyo ayaxa duullaanka ah.

Saacado gudahood, ka dib markii ayax lagu arkay waqooyiga bari ee Uganda, ra’iisul wasaaraha dalkaas wuxuu qabtay kulan degdeg ah oo ay ka qeybgaleen siyaasiyiin iyo khubaro.

Dowladda waxay dooneysaa in ciidamada ay laf-dhabar u noqdaan qorshahan, waxaana rabtaa in illaa 2,000 oo askeri laga horgeeyo ayaxa saameeyay dalalka Bariga Afrika ee duullaanka ah.

Waxaa askartaas la bari doonaa sida sunta loogu buufiyo iyadoo qalab casri ah ama gacanta la adeegsanayo.

Sida ugu wanaagsan ee loola dagaallamo ayaxa waa in hawada laga buufiyo, laakiin Uganda ma haysato diyaaradaha iyo kiimikada loo baahan yahay.

Waxay hadda wadahadal kula jirtaa Kenya, si ay uga amaahato qaar ka mid ah diyaaradaheeda.

Laakiin, dalkan Uganda deriska la ah wuxuu haystaa tiro yar oo diyaaradahaas ah, waxayna Kenya weli la daalaa dheceysaa xakameynta ayaxa.

Sidoo kale, dalka Tanzaniya, wuxuu si rasmi ah loo xaqiijiyay in ayaxa saameeyay Geeska iyo Bariga Afrika uu hadda gaaray waddankaas.

Hay’adda beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobeey ee FAO waxay horey u sheegtay in ayaxa uu halis weyn ku yahay gobolka, uuna maalin kasta cunayo ku dhowaad dhammaan dalagii beeraha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here