Laascaanood oo markii u horeysey yeelanaysa ciidanka Dab-Damiska

0
420

Laascaanood(Idaacadda Waamo)Waxaa laga dhagax dhigay magaalada Laascaanood ee xarinta gobolka Sool xaruntii laga maamuli lahaa Dab-damiska iyo ciidankii ka hawl geli lahaa.

25 dhalinyaro ah ayaa lagu bilaabay in ay ka hawl galaan magaalada Laascaanood kuwaa ka soo baxay boqolaal siyaabo kala duwan lagu soo kala saaray.
Agaasimaha Waaxda hawl fulinta Cabdiqaadir Cumar Xaashi oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in dhalinta soo baxday ay yihiin kuwo hanankara hawlaha looga baahan yahay isagoo intaas ku daray in tabarkii rasmiga ahaa haatan u bilaabmi doono.
Sidoo kale masuuliyiinta degmada iyo gobolka oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa ay dhalintan u rajeeyeen kuwo hawshooda ka soo baxa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here