Duqa Muqdisho oo Baaq u diray shirkadaha Tuubooyinka gashada Wadooyinka Muqdisho.

0
412

Muqdisho(Idaacadda Waamo)Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa go’aan adag kasoo saaray shirkadaha qaar ee laamiga burburiya si ay waxyaabo muhiim u ah Shaqadooda u dhex mariyaan.

War kasoo baxay duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa waxaa lagu sheegay in sharciga lala tiigsan oono islamarkaana uu ciqaab adag mari doono cidkasta oo arintaas ku dhiirata si ay u fushtaan danahooda gaarka ah.

Go’aankaan kasoo baxey guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa ka dambeeyey,kadib markii qaar kamid ah Shirkadaha ka howlgalla dalka ay xilliyada qaar wayaabo ay kamid yihiin fiilooyin dhexmariyaan laamiyada,iyaga oo burburiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here