Abaalmarinta Tababarahii Ugu Fiicnaa Bisha Janaury Ee Horyaalka Premier League Oo La Bixiyay.

0
376

Kismaayo(Idaacada Waamo) Tababare Jurgen Klopp ayaa Loo Doortay Macalinka ugu Fiican Horyaalka Premier League Bishii Lasoo Dhaafay ee January.

Macalinkaan Jarmalka ah ayaa Markii Shanaad Loo Magacaabay Kadib Markii uu Horay usii Watay Guulahiisa Kusii Jiidaya inuu Hanto Horyaalka.

Jürgen Klopp Kuxuu Dhaafay Rikoorkii Pep Guardiola Kaas oo afar Jeer Hantay abaalmarintaan Fasal Ciyaareedka 2017-2018.

Liverpool ayaan Wax Guuldaro ah La Kulmin Fasalka Ciyaareedkan oo Dhan, Sidoo Kalana 15 Guulood oo Xiriir ah ayey Sii Wataan.

Guulo ay Ka Gaareen Tottenham iyo Manchester United ayaa Sii Kordhisay Dhibcaha ay Horyaalka ku hogaaminayaan, 22 dhibcood ayeyna Hadda kKa Horreeyaan Kooxda Kusoo Xigta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here