Barcelona Iyo Real Madrid Oo Loo Diiwaan Geliyey Rikoorkii Ugu Xumaa Muddo 65 Sanadood.

0
465

Kismaayo(Idaacada Waamo) Barcelona Iyo Real Madrid Labada Kooxood ee ugu Weyn Wadanka Spain ayaa Xalay Loo Diiwaangeliyey Natiijooyin Niyad Jab Leh oo ay ugu Dambayaysay Muddo Dheer oo Laga Joogo 65 Sano.

Real Madrid oo Joogta Garoonkeeda ayaa Waxa 4-3 Ku Garaacday Kooxda Real Sociedad,Image Sidoo Kalena Barcelona oo Marti u Noqotay Kooxda Athletic Bilbao ayaa Lagu soo Karbaashay 1-0, Waxaanay Labadooduba Sidaasi ayey Kaga Soo Hareen Tartanka Copa del Rey oo ay afar Kooxood oo Kali iskugu Soo Hareen.

Image

Guul-darrada Sida wada-jirka ah usoo Gaartay Labada Kooxdood ee Barcelona iyo Real Madrid, Waxay Keentay in Hal Meel Loogu Qoro Rikoor Xun oo ay Isku Mid Ka yihiin Kaas oo Muddo Dheer ugu Dambeysay Lana Hadal Hayn Doono.

65 Sannadood Ka hor oo Ku Beegnayd Sanadkii 1955-kii ayaa ugu Dambaysay in Barcelona iyo Real Madrid Hal Mar Laga Wada Reebo Tartanka Copa del Rey, Waxaana Xilligaas kooxihii Reebay Labadan Kooxood Ku Jirey Athletic Bilbao oo Xalayna Qeyb Ka Eheyd Waxayna Guuldaro Tustay Kooxda Barcelona.

Wareeggii Semi-Finalka ee 1955-kii, Real Madrid Waxay Guuldaro Kala Kulantay Kooxda Sevilla, Sidoo  Kalena Kooxda Barcelona Waxay Guuldaro Kala Kulmeen Athletic Bilbao, Waqtigaasna Waxaa , Finalkiina Gaaray oo isugu Soo Baxay Kooxaha Sevilla iyo Athletic Bilbao.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here