Dad Cudurka shuban biyoodka ugu geeriyooday gobalka Hiiraan.

0
346

Wararka naga soo gaarayo degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi ugu yaraan afar ruux ugu geeriyoodeen Cudurka Shuban biyoodka halka tiro intaasi ka badan loo jiifiyay Iisbitaalka guud ee degmadaas.

Cudurka Shuban biyoodka ayaa saacadihii la soo dhaafay ka dilaacay deegaano hoostaga iyo gudaha degmada Jalalaqsi,sida uu sheegay guddoomiyaha degmada Jalalaqsi Maxamed Nuur Cagjoof.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in daawo ku filan bukaanka laga heli karin Iisbitaalka,isagoona ugu baaqay Wasaaradda Caafimaada Dowladda Fedraalka in dadkaas loo fidiyo gurmad caafimaad oo deg deg ah.

Wuxuu sheegay hadiiĀ  saacadaha soo socoda laga gaari wayo in dhimashada intaas ka sii kordhi karto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here