Kooxda Man City Oo Raadineyso Badalka Vincent Kompany

0
385

Kismaayo(Idaacada Waamo) Kooxda Man Citya ayaa Doonaysa in ay u Dhaqaaqdo Saxiixa Xiddiga Daafaca uga Ciyaara Kooxda Reer Spain ee Villarreal ee Pau Torres Kaas oo uu Pep Guardiola u arko Xidigan Mid Ku Haboon Kooxdiisa Kula Lamaanaysiin Karo Xidiga Aymeric Laporte.

Kooxda Man City ayaa Ka Dhibaatootay Dhanka Daafaca Xilli Ciyaarkaan Waana Sababta ay ula Xiriirayaan Badal Daafaca Vincent Kompany Kaas oo Ka Tagay Kooxda Dhamaadkii Xilli Ciyaareedkii hore.

Wargayska The Times ayaa Sheegaya in ay Kooxda Man City Daafaca Kooxda Villarreal ee Pau Torres Ka Dhigatay bartilmaameedkeeda ugu Muhiimsan ee Suuqa Xagaaga Soo Socda ee Dhamaadka Xilli Ciyaareedkan.

Xidigan Torres ee 23 Jirka ayaa Xilli Ciyaareedkan Wacdaro Ka Dhigaya Kooxda Villarreal Kadib Markii uu u Soo Dalacay Kooxda 1-aad Xilli Ciyaareedkan isaga oo Soo Bandhigay Qaab Ciyaareedka Cajiib ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here