XOG: Tababare Arteta Oo Ka Rikoor Xun Unia Emery Iyo Freddie Ljungber

0
357

Kismaayo(Idaacada Waamo) Tababare Mikel Arteta ayaa Ka Rikoor Xun Tababarayaashii Kaga Horeeyay Kooxda Arsenal Sida Tababare Unai Emery iyo Waliba Freddie Ljungber Kadib Markii uu Dhawr Kulan Hogaamiyay Kooxda Arsenal Horyaalka Premier League.

Arsenal ayaa Shaqada Ka Cayrisay Tababare Unai Emery Kadib Si Ku Meel Gaar ah ayaa Loogu Dhiibtay Shaqada Kooxda Caawiyihii Emery  oo ahaa Freddie Ljungber Ka Hor inta ayna Si Rasmi ah Tababare Loogu Magacaabin Mikel Arteta oo Kaga Soo Biiray Kooxda Manchester City.

Laakiin Arteta ayaa Ka Rikoor Xun Labadii Tababare ee Kaga Horeeyey ee uu Shaqada Ka Badalay Marka Laga Hadlo Natiijooyinka Kulamada Kooxda Arsenal ee Horyaalka Premier League.

Inkasta Arsenal  uu  Ka Badalay Qaab Ciyaareedka Tan Iyo Markii Loo Magacaabay Tababaraha Arteta Hadana Natiijada Ayuu Si Weyn uga Liitaa Rikoorkii Labadii Tababare ee Ka Horeeyey Unai Emery iyo Freddie Ljungber.

Tababare Unai Emery ayaa Hogaamiyay Arsenal 13 Kulan Horyaaalka Waxa uu Guul Gaaray 4 Kulan Waxa uu Bar-baro Galay 6 Kulan Wuxuu Guuldaro La Kulmay 3 Kulan

Arsenal Ayaa Dhalisay 18 Gool Halka Laga Dhaliyay 19 Gool iyada oo Cel-celiska Guushiisu ahayd 31% , Dhanka Tababare Freddie Ljungber ayaa Hogaamiyay Arsenal 5 Kulan Waxa uu Badiyay 1 Kulan Waxa Laga Badiyay 2 Kulan Wuxuu Bar-baro Galay 2 Kulan Waxa ay Kooxdiisu Dhalisay 6 Gool Waxana Laga Dhaliyay 8 gool iyada oo Cel-celiska Guushiisu ahayd 20%.

Ugu Dambayn Tababare Mikel Arteta ayaa Arsenal Hogaamiyay 7 Kulan Waxa uu Guul Gaaray 1 Kulan Wuxuu Guuldaro La kulmay 1 kulan Wuxuuna Bar-baro Galay 5 kale iyadaoo Cel-celiska Guushiisu Tahay 14%.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here