Hay’adda Marqaati oo tababar ka hortaga Musuq-maasuqa ah ku qabatay Gaalkacayo

0
386

Gaalkacayo(Idaacadda Waamo)Hay’ada marqaati ayaa Siminar ku saabsan ladagaalanka musuqmaasuqa ku qabatay magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobolka mudug.

Tababarkaas waxaa aad  looga hadlayey sidii loo cirib tiri lahaa musuqa iyo  heerka uu ka joogo Somalia.

Tababarkaas oo ay kasoo qayb galeen 50 qof oo bulshada qaybeheeda kala duwan.Waxaa si qoto  dheer uga hadlay Aqoonyahanad Ayan Farhan Ali, Dr.Mohamed Yahye Iyo Shiek Abdikarin Elmi oo caddeeyay muwqifka diinta islamku kataagan tahay Musuq maasuqa.

Dhammantood waxay bogaadiyeen Shaqada culus oo ay Hay’ada marqaati qabanayso, waxayna soojeediyeen

  1. In lasameeyo Xeer Ciqaabeedka Musuqmaasuqa
  2. In madax banaani buuxda lasiiyo Hay’adaha Garsoorka iyo kuwa kushaqada leh ladagaalanka musuqa.

2019 Hay’ada marqaati waxay soo saartay Daraasad ku saabsan musuqmaasuqa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here