RASMI: Arsenal Ku Dhawaaqay Inay Dhamaystirtay Saxiixa Pablo Mari

0
405

Kismaayo(Idaacada Waamo) Kooxda Arsenal ayaa Si Rasmi ah ugu Dhawaaqday Saxiixa Xiddiga Daafaca Ka Ciyaara ee Pablo Mari Kaas oo Noqday Saxiixii ugu Horeeyay ee Kooxda Arsenal Suuqa January.

Arsenal ayaa Mari Kula Soo Wareegtay Heshiis 6 Bilood ah Ka Hor inta ayna Si Toos ah ugula Wareegin Dhamaadka Xilli Ciyaareedkan Hadii uu Qaab Ciyaareed Fiican Soo Bandhigo.

Xidiga Pablo Mari ayaa Noqday Bartilmaameedka ugu Weyn ee Arteta Kaas oo uu Doonayay in uu Ku Xoojiyo Daafaciisa Qaybta Dambe ee Xilli Ciyaareedkan Kadib Dhaawacyadii Soo Gaaray Xiddigo Daafaca uga Ciyaara Kooxdiisa.

Kooxda Flamengo ayaa Dhankeeda Macasaalamaysay Daafaca Reer Spain iyaga oo uga Mahad Celiyay Sanadihii uu Lasoo qaatay “Waad Ku Mahadsantahay Wax Walba oo aad Noo Qabatay”.

Xidiga Pablo Mari ayaa Kooxdiisii Hore ee Reer Brazil Koobka Conmebol Libertadores & Horyaalka Brazil” Wuxuuna ahaa Mid Kamid ah Daafacyada ay Kooxda Ku Xisaabtan,

Image

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here