Kismaayo(Idaacadda Waamo)Xaruntaan oo loogu tala galay xanaanada Digaaga ayaa laga Hirgaliyay Xaafada Midnimo ee Magaalada Kismaayo oo ay daganyihiin dadka kasoo laabtay Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab ee Dalka Kenya .
Xaruntaan Cusub ee xanaanada Digaaga ee ay Wasaaradda Xannaanada Xoola Jubbaland xariga ka jartay ayaa loo maalgaliyay 50 haween ah Oo ka mid ah dadka ku nool xaafada Midnimo Isla markaana ka ganacsada Digaaga.
Xamdi Maxamed Yaasiin ayaa warbixintan inooga diyaarisay.