Guddoomiyaha Baarlamaanka oo la kulmay qaar ka mid ah Danjirayaasha Beesha Caalamka ee Soomaaliya.

0
379

Muqdisho(Idaacada Waamo)Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxamaan ayaa maanta Magaalada muqdisho kula kulmay Wakiilo ka socda UN-ka, AMISOM iyo Ambassadorada Copenhagen Group.

Kulanka ayaa labada dhinac waxaa ay uga wada hadleen Doorashada la filayo in ay ka dhacdo Dalka Soomaaliya 2020 -2021 iyo xoojinta wadashaqeynta labada dhinac ee la iriira arrimaha doorashooyinka.

Guddoomiyaha Golaha Shaabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxamaan ayaa madaxdii uu la kulmay ka codsadey inay dowladda Soomaaliya kala Shaqeeyaan sidii u qabsoomi laheyd doorashada dalka.

Madaxda ka socotay Qaramada Midoobe iyo AMISOM ayaa sheegay in ay soomaaliya ka caawin doonaan sidii ay doorasho uga dhici laheyd dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here