Maamulka Gobolka Banaadir oo dhagax dhigay waddo dib u dhis casri ah lagu sameynayo.

0
401

Muqdisho(Idaacada Waamo)Maamulka Gobolka Banaadir iyo kan Degmada Warta Nabadda ayaa si wadajir ah u dhagax-dhigay dhismaha waddo dhirirkeedu gaaraya 700m, oo horumarta Garoonka Cayaaraha ee Municipio, taasi oo la dhigayo (Interlog) si ay ugu faa’ideystaan shacabka ku dhaqan degmada Warta Nabadda.

Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee dhanka Howlaha Guud, Aadan Sheekh Cali Fiidow iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee dhanka Arrimaha Bulshada Marwo Basma Caamir Axmed, ayaa dhagax-dhigay wadadaasi, iyagoon shacabka Degmada kula dar-daarmay in ay ilaashadaan kana faa’ideystaan waddadaasi.

Guddoomiyaha Degmada Warta Nabadda Seynab Xaabsey ayaa sheegtay in dhismada waddadaan ay ka faa’ideysanayaan shacabka ku dhaqan Degmada, kuwaasi oo shaqo abuur loogu dhigay, isla markaana marka ay soo idlaato ay xil ka saaran tahay sidii ay u wada ilaashan lahaayeen, waxa ayna Maamulka Gobolka ugu mahadcelisay fulinta Mashruucaan oo qeyb weyn ka qaadanaya dib u dhiska Degmada iyo kan Caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here