Tahriibayaal ku Geeriyooday Xeebaha badda Mediterranean-ka

0
13

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Dooni tahriibayaal ah oo ay la socdeen ku dhowaad ​​35 qof oo kasoo shiraacatay dalka Liibiya waxaa la sheegay iney ku degtay bartamaha badda Mediterranean-ka, waxaana la xaqiijiyay in qaar kamid ah ay dhinteen, halka qaar kalena wali la la’yahay, sida uu sheegay isku duwaha Hay`adda UNICEF ee dalka Talyaaniga.

Hawlgalo  samatabixin ayaa laga sameeyay xeebaha Jaziirada Lampedusa ee dalka Talyaaniga, iyadoo ay fuliyeen Ciidamada Ilaalada Xeebaha Talyaaniga, kuwaasi oo badbaadiyay 11 tahriibayaal ah oo ay ku jiraan afar carruur ah oo keligood safraayay, waxayna soo saareen meydka haweeney uur leh, sida uu sheegtay Nicola Dell’Arciprete oo ka tirsan Hay`adda UNICEF.

Dadka badbaaday iyo meydadka ayaa la geeyay Jaziiradda Lampedusa, halka rakaabkii soo haray aan la ogeyn halka ay ku dambeeyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here