Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Guddoomiyaha Hay’ada Qaxootiga iyo barakacayaasha Jubbaland Cali Aadan Cali ayaa wuxuu ka warbixiyay in dadka ku nool kaamamka barakacayaasha ay la daalaa dhacayaan caqabado adag oo ay kamid yihiin helitaanka raashin ku filan, biyo nadiif ah, adeeg caafimaad iyo daryeel gaar ah oo loogu talagalay caruurta iyo haweenka uurka leh.
Abdinoor Samriye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.