Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Wargeysyada Ingiriiska ayaa daaha ka qaaday muddada uu goolhayaha Brazil Alisson Becker ka maqnaan doono Liverpool ka dib markii uu dhaawac ka soo gaaray kulankii Galatasaray ee Champions League.
Alisson Becker ayaa ciyaaray kulankii ay Liverpool guuldarada kala kulantay Galatasaray laakiin waxa soo gaadhay dhaawac waxana uu ka baxay garoonka qaybtii dambe ee ciyaarta waxana lagu soo badalay Mamardashvili.
Sida laga soo xigtay The Athletic, Alisson Becker ayay u badan tahay inuu garoomada ka maqnaado ilaa fasaxa caalamiga ah ee November ka dib markii uu soo gaaray dhaawac muruqa ah, kaasoo ka maqnaan doona ilaa lix isbuuc.
Goolhayaha 33 jirka ah ee u dhashay dalka Brazil ayaa khamiistii lagu sameeyay baatitaan caafimaad, wuxuuna seegi doonaa kulamada Chelsea, Manchester United, Frankfurt, Brentford, Crystal Palace, Aston Villa, Real Madrid, iyo Manchester City.
Liverpool ayaan wali si rasmi ah u xaqiijin wakhtiga soo kabashada ee Alisson Becker, iyada oo la filayo in baadhitaanka ugu dambeeya uu ku dhaco 24 ilaa 48 saacadood gudahood.
Tababaraha Brazil Carlo Ancelotti ayaa Alisson Becker ka saaray kulamada saaxiibtinimo ee South Korea iyo Japan ee isku diyaarinta koobka adduunka 2026 ee dhacaya bishaan