Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda gobbledka Jubbaland, Maxamed Ibraahim Ogle iyo Gudoomiyaha degmada Kismaayo ahna duqa Magaalada ayaa si wadjir ah u dhagax-dhig dhismaha biyo-mareenka laga dhisayo wadadaHormuud ee xaafada Calanley.
Dhismahan oo ay iska kaashanayaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland iyo dowladda hoose ee degmada Kismaayo ayaa loogu talagalay in lagu sameeyo biyo-mareen casri ah oo wax ka qaban doona dhibaatada daadadka roobka ee si gaar ah u saameeya xaafadda Calanleey.
Xamdi Maxamed Yaasiin ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.