Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Dhageystayaal sharafta leh, kusoo dhowaada barnaamijkeena gaarka ah ee maanta aan ku xusnay Maalinta Dalxiiska Adduunka, oo sanad walba ku beegan 27-ka Sebtembar.
Maalintan waxaa hoggaamiya Ururka Caalamiga ah ee Dalxiiska ee Qaramada Midoobay (UNWTO), waxaana markii ugu horreysay loo dabaaldegey 1980. Taariikhdu waxay dib ugu laabaneysaa 27-kii Sebtembar 1970, xilligii la ansixiyay xeerarkii ururkaas oo lagu tilmaamay guul weyn oo loo gaaray horumarinta dalxiiska caalamka.
Dalxiisku waa dhaq-dhaqaaqa dadka ee dalal iyo deegaano ka baxsan nolol
maalmeedkooda caadiga ah, si ay u helaan nasasho, aqoon iyo madadaalo. Dalxiisku wuxuu kaalin weyn ku leeyahay dhaqaalaha, isdhexgalka dhaqamada, iyo nabadda caalamiga ah.
Soomaaliya waa dal hodan ku ah xeebaha dhaadheer ee quruxda badan, taariikh fac weyn leh, iyo dhaqamo kala duwan oo soo jiidasho leh. Meelaha ugu caansan ee dalxiiska loo tegi karo waxaa ka mid ah:
Xeebta Liido ee Muqdisho – oo caan ku ah dadka gudaha iyo dibaddaba.
Xeebaha Kismaayo iyo Berbera – oo leh qurux dabiici ah iyo kalluumeysi hodan ah.
Laas Geel (Hargeysa) – oo leh sawir-gacmeedyo qadiimi ah oo dunida oo dhan lagu yaqaan.
Buuraleyda Cal Madow – oo ah goob cimilo qabow iyo qurux dabiici ah leh.
Dhageystayaal qiimo badan, dalxiisku waa furaha isku xirka dhaqamada, kobcinta dhaqaalaha, iyo xoojinta nabadda.
1. Horumarinta Dhaqaalaha
Dalxiisku wuxuu abuuraa shaqooyin badan: hoteello, makhaayado, gaadiid, dadlka dalxiiska ah , iyo adeegyo kale. Haddii Soomaaliya dib u soo ceshato dalxiiska caalamiga ah, wuxuu noqon karaa il dhaqaale oo xooggan oo kaabaya kalluumeysiga iyo xoolaha.
2. Kobcinta Dhaqanka iyo Hidaha Soomaaliya waxay leedahay taariikh qadiimi ah, farshaxan iyo dhaqanno kala duwan.
Dalxiiska wuxuu fursad u yahay in dunida lagu tuso hodantinimada dhaqanka
Soomaaliyeed, sida Laas Geel, gabayada, heesaha iyo suugaanta.
3. Kor u qaadista Sumcadda Dalka Marka dalxiisayaal caalami ah ay soo booqdaan Soomaaliya, waxay qaadaan sawir wanaagsan oo ay dunida kale gaarsiiyaan. Tani waxay gacan ka geysaneysaa in dalka loo arko meel nabdoon oo soo jiidasho leh.
Awke Ali Awil ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.