Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Wasaaradda Gar-gaarka iyo Maareynta Musiiboyinka ee Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa maanta raashin gargaar ah gaarsiisay in ka badan 2000 oo qoys oo ku nool deegaanka Luglow ee ku yaalla waqooyiga magaalada Kismaayo.
Gargaarkan oo ka koobnaa noocyo kala duwan oo raashin ah sida bariis, bur, saliid, iyo sokor ayaa loogu talagalay qoysaska nugul ee ladaala dhacaya duruufaha nololeed oo adag. Qaybinta rashshinka ayaa waxa goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda Gargaark iyo xobno ka socday Hay’adda Tadaamun.
Juweeriya Xasan Axmed ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.