Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Dowlada Jubbaland, Mudane Xareed Kilaas Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah u furay tababar muhiim ah oo loogu talagalay saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Jubbaland.
Tababarkan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa lagu baranayaa Hoggaaminta, Maamulka iyo Qorsheynta, waxaana ujeedadiisu tahay in lagu kobciyo xirfadaha saraakiisha si ay si hufan uga jawaabaan baahiyaha amni ee bulshada.
Mowliid Abdi Kulmiye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.