Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa maanta magaalada Kismaayo ka daahfurtay shir muhiim ah oo uu yeeshay guddiga iskaashiga Booliska iyo Bulshada.
Shirkan oo ujeeddadiisu tahay xoojinta wada shaqeynta, isku soo dhawaanshaha iyo kalsooni dhisidda bulshada iyo ciidamada Booliska, ayaa lagu falanqeeyay sidii loo dhisi lahaa xiriir ku dhisan wada tashi, iskaashi iyo wadajir, taas oo gacan ka geysanaysa sugidda amniga iyo xasilloonida bulshada.
Abdinoor Samriye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.