Madaxweynaha Jubbaland oo si weyn loogu soo dhaweeyay Boosaaso.

0
451

Boosaaso(Idaacada Waamo)Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso ku soo dhaweeyay madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland mudane Saciid Cabdullaahi Dani oo mudooyinkii dambe halkaas hawlo shaqo u joogay iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha Jubaaland waxaa safarkiisan ku wehliya xubno ka tirsan labada gole ee Dowlad-Goboleedka Jubaland.

Safarkan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee uu madaxwaynaha Jubbaland ku aado magaalada Boosaaso intii uu xilka madaxwaynenimo qabtay kadib.

Iidle Aadan Maxamed ayaa warbixinta inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here